Shirkii Dowlad Goboleedyada oo maalintii labaad ka furmay Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

0

Shirkii Dowlad Goboleedyada oo maalintii labaad ka furmay Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saakay maalintii 2-aad uu galay shirka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlad federaalka ah uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Shirkan oo shalay furmay waxaa ku sugan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada sida Axmed Madoobe(Jubbaland), Cabdicasis Lafta-gareen(Koonfur galbeed), Maxamed Waare(Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) iyo Saciid Deni oo Puntland ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in shirkaas maanta lagu wado in laga soo saaro Warbixin xal looga gaarayo arrimo ay ku jirto doorashada 2020/2021, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedka lagu xuso in sanadkan aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here