Sida ay xaqiijinayaan ilo wargal ah shirkii u socday wasiiradda Maaliyada heer dawlad gobaleed iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ee kasocday Muqdisho, ayaa burbur qarka u saaran.

Shirka ayay hadda kasoo baxeen wasiiradda maaliyada ee Heer dawlad gobaleed, markii ay isku fahmi waayeen sida loo kala qeybsanayo Qoondada dhaqaale ee laga helayo Bangiga Aduunka, Wasiirka Maaliyada Faderaalka ayaa yeelan waayay go’aan cad, isagoo ay wicida telfoonadu ay ku badnaayeen.

Xiligii Farmaajo, shirarka kaliya ee guuleysan jiray ayay ahaayeen kuwa Maaliyada, maadaama Madaxda madasha wadatashiga Qaran, go’aan mideysan kalahaayeen dardargalinta hanaanka deyn-cafinta dalka, iyagoo ka durjinaya isqabadka siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here