Villa Soomaaliya ayaa ku guul dareesatay in xiriir dhaw la yeeshaan dowladda ethopia waxaa jira Warar hoose aan helnay ka oo sheegaya in maanata Madaxtooyada Soomaaliya fashil ugu soo dhamaaday codsi Dawladda Federaalka Soomaaliya udirtay Xukuumada Adis ababa.

Sidoo kale Qorshaha waxa uu ahaa inuu kulan dhexmaro Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,balse uu guuldaro noqday is aragtidaasi labada mas’uulkaasi.

Sida aan naloo xaqeejiyey Isbuucaan keliya waxaa labo jeer la isku dayey in uu kulankaasi dhaco waxaase ay Itoobiya ka cudur daaratay kulankaas Abiy iyo Xasan sheekh ay yeelan lahaayeen.

Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dibada ay usoo saartay khilaafka ka dhex jira Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya,iyadoo Wafdi uu hogaaminayey Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa gaaray Adis ababa,balse waa la qariyey socdaalkaasi.

Hase ahaate Wasiir Cali Balcad oo ka mid ah saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo wafdigaasi ay usocdeen sidii la iskugu keeni lahaa Labada Mas’uul Ee Xasan Sheekh & Abiy Ahmed.

Qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee safarka Itoobiya ayaa ku beegnaa socdaalkiisii Jabuuti uu ku tegay Bishii July kadib balse markaasi arrimo gaar ah ayey ku joojisey Itoobiya safarkaasi.

Wasiir Cali Cumar Balcad oo Soomaaliya metalayey ayaa la sheegay in Adis ababa uu kula kulmay dhigiisa Itoobiya islamarkaana lagu ballamay in la iskugu yimaado kulan kale si loo diyaariyo kulanka Labada Mas’uul Ee Abiy & Xasan Sheekh Maxamuud taasi ayaa gabi ahaan kuso dhaamatay guul daro xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here