Siyaasiga Faarax Macallin ayaa colaadda ka taagan Laascaanood ku tilmaamay mid qabiil oo dhul-ballaarsi ku salaysan.

Mr. Faarax Macallin ayaa sheegay in ciidamada ka dagaallamaya Gooja-cadde ay yihiin maleeshiyaad qabiil oo ku soo duulay dhulka qabiilo kale.

Advertisement

“Laascaanood dawlad Soomaaliland la dhaho iskuma haystaane Qabiil Isaaq la dhaho oo Soomaali ah ayaa wuxuu ku soo duulay Dhulbahante, Faqishinni” ayuu yiri Faarax.

“Muuse Biixina qabiil buu matalaa wax Qaran Soomaaliland la dhahana majiro maaqaan in hadda kadib inta Soomaali isku takto la yiraahdo nin kasta waxa uu haysto intuu qaato Qaran haka dhigto” ayuu sii raaciyay.

Siyaasi Faarax Macallin ayaa sidoo kale ku taliyay in maleeshiyaadka soo duulay ee Somaliland ay isaga baxaan dhulka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here