Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Somaliland ayaa shir gudoomiyey shir ay isugu yimaadeen Guddiga heer Qaran ee taakulaynta Suuqa Waaheen iyo Wefdi ka socday Midowga Yurb & Qaramada Midoobay, kuwaasoo Hargeysa u tegay in ay qiimeeyaan dhibaatadii waynayd ee ka dhacday Suuqa Wawaheen.

Kulan ayaa lagaga wada hadlay halka ay marayso qiimaynta khaasaraha ee ilaa hadda la sameeyey, iyada oo wefdiga uu warbixin dheer siiyey Guddoomiyaha Guddiga, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cabdirisaaq Halbaani Xuseen oo ka waramay tallaabooyinka la qaadayo oo ay ka mid tahay nadiifinta Suuqa Waaheen.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo kulan shir gudoominayey ayaa isna dhiniciisa warbixin ka siiyey wafdiga Beesha Caalamka, isaga oo ugu mahad naqay sida ay shacabka Somaliland ula wadaageen sida ay ugu xun yihiin dhibaatada soo gaartay Suuqa Waaheen.

Wefdiga ka socday Beesha Caalamka oo isugu jirey  Midawga Yurub iyo Qaramada-midoobay ayaa sheegay sida ay ugu xunyihiin dhibtaatada ku dhacday Ganacsiga Suuqa Waaheen, iyaga oo sheegay in ay barbar taagan yihiin shacabka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here