Hay’adda Somaliland u qaabilsan xuquuq Insaanka ee sannad walba soo saarta tacadiyada ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa soo saartay Kiisaska kufsiga ee sannadkii la soo dhaafay ee 2020 ka dhacay Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saartay hey’adda ayay ku sheegtay in  xeer ilaalinta Somaliland ay diiwaan galisay 142 Kiis oo kufsi ah, kaasi oo ka kala dhacay gobolada kala duwan ee Somalind.

Hay’addda ayaa xustay in sannadka 2020 kiisaska kufsiga ee la diiwaan geliyay oo ka badan yahay sannadkii ka sii horreeyay ee 2019 kaasi oo la diiwaan galiyay 138 kiis oo kufsi ah.

Warbixintaan ay soo saartay hey’addan ayaa ku soo aadaysa xilli maalintii shalay magaalada Burco ee gobolka Togdheer kufsi iyo loogu geystay gabar yar oo dulleedka Burco, taasi xiliga la kufsanayay adhi lo joogatay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here