Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqdey ee Somaliland, ayaa sheegtay iney bilaabeyso qorshe ay ku xakameyneyso wararka been abuurka ah, iyo dhaqamada xun xun, ee lagu baahiyo Baraha Bulshada.

Qoraalkan ayaa waxaa soo saartey wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, oo labaddii maalmood ee u danbeysay wadey shir ku saabsan adeegsiga teknolojiyadda, kaasoo ah mid sanadla ah.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Somaliland, Cabdulwali Sheekh Cabdullaahi Suufi, oo la hadley BBC-da, ayaa sheegay in talaabadani u danbeysay go’aankeeda la gaarey markii ay cadaatey in qiyamka dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida uu faraha kasii baxayo.

Wuxuu intaa ku darey wasiirka in Baraha Bulshada ay abuuraan dhibaatooyin kala duwan, waa siduu hadalka u dhigaye, sida been abuur, isku dir iyo waxyaabo ka fog.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here