Brussels, 13/04/2021 – 17:01, ID AQOONSIGA: 210413_4

Bayaanka HR / VP

Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga madaxweynaha iyo dowladda federaalka laba sano kadib ciriiriga ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro 8 Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad.

Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen in aan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama hanaan kasta oo ah ama habraac ah oo la xiriira doorashooyinka, iyada oo aan la helin heshiiskii dhinacyada heshiiska doorashada ee 17 Sebtember. . Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.

Peter STANO (xiriiriye ayaa diraya emayl)

Af hayeenka Arimaha Dibadda iyo Siyaasada Amniga

+32 (0) 460 75 45 53

Gesine KNOLLE (xiriiriye ayaa diraya emayl)

Sarkaalka Saxaafadda ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta

+32 (0) 2 29 54323

+32 (0) 460 754 323

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here