Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa waxaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Taliyaha ciidanka dalka Kenya
Ugu horeyn taliye Odowaa ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya, waxaana intaasi kadib uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Kenya Iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka kulanka ayaa looga wada hadlay wada shaqaynta iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Advertisement
Ugu danbeyn Taliyaha CIidanka Xoogga Dalka ayaa Dowlada iyo Ciidanka kenya uga mahad celiyay dhiiga ay ciidankooda u dadinayaan amnaga iyo xasiloonida Soomaaliya.