Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda waxaa lagu saaray arrimaha hortabin u leh labada xafiis, iskaashi iyo wadashaqeyba, iyaga oo isla soo hadal qaaday inta uu kulanka socday “Dadaallada dib u xorreynta ee ka socota dalka, arrimaha xasillinta, dib u heshiisiinta iyo gargaarka Bini’aadannimo”  sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay; sida Wasaaraddiisa ay uga go’antahay in ay wadashaqeyn dhow la yeelato xulafada Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa Wasiirka iyo howladeennada Wasaaradda ku bogaadiyay kaalintooda ku aadan ee dib u dhiska Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here