Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Somaliland ay ciidamo hor leh ku soo daabuleyso magaaladaasi oo todobaadyadii la soo dhaafay dagaal culus uu ka socdo.
Advertisement
Sawirro la helay ayaa muujinaya Somaliland oo ciidamo kusoo daabulaysa Laascaanood iyada oo laga soo saaray ciidamada deegaanka Ceelafwayn oo ka tirsan gobalka Sanaag halkaasi oo ay awal ku kala dhex jireen rabshado Beeleed halkaasi ka taagnaa.
Arrintan ayaa muujineysa in maamulka Muuse Biixi uu wali ka adkaan la’yahay ciidamadda deegaanka ee diidan joogitaanka Somaliland ee dhulkooda, iyadoo aan la ogeyn waxa ay xaaladda ka bedeli karaan ciiidankan cusub