Suudaan waxay dhexda u gashay khilaaf muddo toban sano ah u dhaxeeyay Itoobiya iyo Masar oo ku saabsan biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso wabiga Niil bilihii ugu dambeeyayna waxaa ku dhacay isbadal weyn oo xagga aragtida ah.

Marka laga wada hadlayo biyo-xireenka Itoobiya, hadalladii Suudaan ee soo dhoweynta lahaa waxay isku beddeleen kuwo shaki iyo caro ay ka muuqdaan.

Isbadalkan, ayaa ka tarjumaya saameynta sii kordheysa ee milatariga ay ku leeyihiin dowlada kumeel gaarka ah taasoo la doonayo inay dhabaha u xaarto nidaam dimoqraadi ah ka dib markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii mudada dheer xilka hayay Cumar Xasan Al-Bashiir.

Sare u kaca khilaaflka diblomaasiyadeed ayaa kordhay markii uu soo dhawaaday xilli roobaadkii Itoobiya ay balan qaaday inay billaabayso biyo xireenka kaas oo buuxsami doono sanadka labaad iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin sida loo samaynayo iyo hannaanka loo marayo.

Itoobiya iyo Masar ayaa mashruucaan uga wada hadlay qaab iska soo horjeeda oo dal walba uu ku saleynayo danihiisa gaarka ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenku uu muhiim u yahay horumarinta dalkeeda . Masar-na waxay sheegtay inay tallaabadaas Itoobiya ay ku buuxinayso biyo-xireenka ay khatar ku tahay qulqulka biyaha webiga Niil isla markaana ay saameyn ku yeelan karto nolosha dadka dalkooda.

Sudaan oo Webigu uu maro una dhaxeeysa labada dal ayaa iyada qudheedu hadda soo saartay digniino mugdi ku jiro.
La-taliyaha madaxa golaha madaxbanaan ee dalka Suudaan Generaal Cabdifitaax al-Burhaan, oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dagaalka ka dhasha khilaafkaan biyaha uu noqon doono mid aad u xun haddii aan beesha caalamku gacan ka gaysan xalintiisa

Dheeli tirka awoodda

Dib u gurusho 14 bilood ah iyo dhawaaqyo kala duwan ayaa ka imaanaya caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.
Bishii Febraayo ee sanadkii 2020-kii, Wasiirka Kheyraadka Biyaha Yaasir Cabaas wuxuu ka hadlay sida biyo xireenkan ay warshadda ugu weyn Afrika ee korontada ee dalka Suudaan uga faa’iideysan doonto .

Balse horaantii bishaan, ka dib markii uu fashilmay wadahadaladii Midowga Afrika ee u dhaxeeyay, Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ka dhacay magaalada Kinshasa, Mr Cabaas ayaa u sheegay suxufiyiinta in ay khatar ku tahay amniga qaranka haddii Itoobiya ay buuxiso biyo- xireenka iyada oo aan la xallin arrimaha taagan.

Suudaan waxay dooneysaa in Itoobiya ay la gasho heshiis sharci ah oo quseeya arrintaan waxay kaloo rabtaa in la caddeeyo sida khilaafaadka lagu xallin doono mustaqbalka.

“Heshiis la’aan, biyo -xireenku wuxuu runtii khatar ku yahay dadka deegaanka iyo hab nololeedka dadka,” ayuu yiri wasiir cabbaas.

Wuxuu ku dooday in Suudaan ay la kulmi doonto dhibaato ka badan tan Masar haddii buuxinta biya xireenku uu rajeeynayo xaddiga biyaha gaaraya Suudaan, maadaama Masar ay leedahay keyd ballaaran oo biyo ah oo ah biyo xireenka Aswan.

‘Ul u taagida Itoobiya’

Arrimahaan oo dhan waxaa sabab u ah isbeddelka ku yimid cidda haysa isku dheelitirka awoodda ee u dhexeysa millatariga iyo rayidka ee Suudaan kadib xukun ka tuuristii Bashiir.

Khatar kasta oo ku soo food leh amniga qaranka ayaa hadda ayaa leh mudnaanteeda gaarka ah . Intaas waxaa sii dheer, xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan muranka soohdinta ee aagga loo yaqaan al-Fashaga taa oo ka dhigtay Suudaan in aysan u janjeerin dhanka Itoobiya.

Xuduuda saxda ah ee udhaxeysa labada dal lama xadideynin inkasta oo heshiisyadii xilligii gumeystaha ay tilmaamayaan in al-Fashaga ay ka tirsantahay Suudaan, Itoobiyaankuna halkaas ayey ku noolaayeen iyagoo xittaa canshuurta siinayay maamulka Itoobiya.

Sannadkii 2008-dii waxaa la gaaray tallaabo tanaasul ah markaas oo ay Itoobiya qiratay inay al-Fashaga ka mid tahay Suudaan, laakiin Itoobiyaanku halkaas ayey ku sii noolaayen.Si kastaba ha noqotee, Suudaan waxay ka faa’iideysatay Itoobiya oo mashquul ku noqtay colaaddii ka dhacday gobalka Tigray sanadkii hore waxayna ciidamadeeda u wareejisay al-Fashaga.

Dowladdu waxay bilowday olole ballaaran oo ay ku doonayso inay dadku ku taageeraan tallaabada milatari ee aagga xadka ah . Dhaq-dhaqaayadaas waxaa ka mid ahaa in dad saameyn leh xadka la geeyo iyo xidigo fannaaniin ah oo ku labbisanaa dharka milateriga kuwaas oo bandhig faneed ka smaeeyay magaalada Khartuum.Waqooyiga dalka Suudaana waxaa ka socday tababro ay sameynayeen ciidamada cirka iyagoo gacan ka helayay dowladda Masar.

Wax badan oo ku saabsan biyo xireenka:

Dhinaceeda, Itoobiya waxay sii wadaa isku dayga iyo inay u xaqiijiso Suudaan in biyo xireenku aanuwaxyeello u geysan doonin waddanka.

Axadii, raysal wasaare Abiy Ahmed wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Itoobiya “aysan doonaynin inay waxyeello u geysato” waddamada dariska ah isagoo intaas ku daray in buuxintii sanadkii hore ee biyo xireenka ay “shaki la’aan ka hortagtay daadad xoog leh oo ka dhici lahaa dalka ay deriska yihiin ee Suudaan”. Wuxuu kaloo kahadlay wadaagida macluumaadka kusaabsan waxa dhacaya kahor xilli roobaadka sanadkan

Balse hadalkaan raysal wasaaraha Itoobiya ayaa u muuqda mid aaney ku qanci karaan dalalka Suudaan iyo Masar maadama uu jiro khilaaf la xiriira go’aanka Itoobiya ee ah in ay buuxinayso biyo xireenka marka la gaaro xiligii ay balan qaaday oo ah dhawaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Sameh Shoukry ayaa haatan ku guda jira socdaal uu ku marayo qaaradda si uu ugu guuleysto helitaanka xulufo Masar ka taageerta raadinta xal sharci ah ee la xiriira howlgalka iyo buuxinta biyo xireenka iyadoo la tixgelinayo danaha saddexda dal.Generaal Burhanaka Suudaan ayaa isna fariin la mid ah tan Masar ku sheegay dhawaan waraysi uu siiyay Tv.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here