Dowlada Suudaan ayaa xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, iyadoo ay jiraan isku dhacyo ka dhacay Gobolka Tigray Taasi oo laga Cabsi qabo in ay u sii gudbi karaan Dhanka Suudaan.

Gobolka Bariga Suudaan ee al-Qadarif ayaa xirtay xadka uu la wadaago Itoobiya, iyada oo xiisad kacsan laga dareemayo gobolka Tigray, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha.
Isku dhacyada oo socda ayaa u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga haya talada gobolka.

Xukuumada Khartoum ayaa geeyay ciidamo xoojin ah xadka si loo joojiyo Qulqulka wax kasta oo dagaalyahano ah, oo u Gudbi kara dalka Suudaan.

Itoobiya ayaa waxay ku eedaysay kooxda TPLF inay weerareen xero Millateri oo kutaala gobolka, Dhanka kalane Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa amar ku siiyay Ciidanka inay ka hortagaan weeraradaasi.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here