Maxamed Qanyare Afrax wuxuu dhashay 1-August 1941 wuxuuna ku dhashay degmo tuulo yar oo la yiraahdo Darri oo hoos tagta magaalada facaweyn ee Ceelbuur. Maxamed Qanyare ayaa halkaas kusoo koray caruurnimadiisii wuxuuna kusoo qaatay waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe. Ka dib wuxuu ka mid noqday askar 179 ah oo lasoo qaaday in lagu tababaro magaalada Mogadishu oo markaas dowlada Talyaaniga gacanta ku heysay isagoo halkaas ku gaaray ilaa darajada”Saajin”
Tacliintii dugsiga sare markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay. Maxamed Qanyare wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii. wuxuuna mar labaad halkaa dib uga bilaabay wax barashadiisii oo uu ku bartay cilmiga maamulka iyo maraaraynta..
Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hogaamiye doonaayay in shacabka Soomaaliyeed helaan isbedel caafimaad qaba oo dimuqraadiyad horseeda dalkana ka baxo gacanta nidaamka dictator ka ah si taas loo gaaro ayuu xubin firfircoon ka noqday ururkii USC, Mr Qanyare wuxuu ka gadooday habdhaqankii dowladii milatiriga aheyd isagoo markaas u arkaayay in Somalia aysan kusii jiri karin xukun qolo gaara ah go’aamiso. Qanyare wuxuu fadhiyay xarun uu ku lagaa magaalada Nairobi ee dalka kenya isagoo halkaas ka bilaabay abaabul dadka lagu tusinaayo in la gaaray xiligii Somalia laga saari lahaa nidaamka shuuciyada ahaa ee loo jeesan lahaa nidaamka cusub ee awooda shacabka. Kacaankii ayaa ka war helay howsha kacaan diidka ah ee Mr Qanyare ka wado magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dowaladii military aheyd ayaa dhowr mar isku dayday inay gacanta kusoo dhigto rag uu ka mid ahaa Maxamed Qanyare iyo Abdullahi Yousuf Ahmed oo isagana markaas ku sugnaa dalka Kenya balse uma suurta galin.
Dowladii Siyaad Barre oo Maxamed Qanyare u arkeysay sarkaal firfircoon oo hal abuur leh kuna wanaagsan isku xirka dadweynaha iyo hogaaminta ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd Maxamed Qanyare Afrax. Mr Qanyare wuxuu ahaa dhiiran oo hadalkiisa cad yahay warka aan la gamban, taasina waxay dhalisay inuu gudaha Kenya ku yeesho rag badan oo sxbo dhow ah oo u ugu horeeyo safiirkii talyaaniga berigaas u fadhiyay dalka Kenya ee lagu mahacaabi jiray Luigio De Vecchi.
24 april 1983 Maxamed Qanyare wuxuu wareysi siiyay wargeys lagu magacaabo Daliy Nation oo kasoo baxa dalka Kenya. Wareysiga ayuu uga hadlay xaalada geeska Africa jirta isagoo markaas sheegay in Africa ay heysato dhibaato ay horseedeen madaxda Africanka oo xukunka isku dhajya. Wuxuu kaloo sheegay in qaaradda madoow ay la dageen wax uu ku sheegay doorasho ku sheeg, afgambi,milatari, iyo dhiigyo-cabayaal u hanqaltaagaya inay inay xukunka sii joogaan inta mowdka uga imaanaayo. Wareysigaas oo aad u dheeraa ayaa ciwaan looga dhigay maqaal sidatan u qoran;
“Somalia waxaan uga soo tagay maamul habacsan oo musuqmaasuq ku dhisan”
hadalkaas wuxuu gaaray dhammaan gayiga Somalidu dagto oo idil waxaana si fiican ugu riyaaqay ururadii iyo jabhadihii kasoo horjeeday kacaankii kaligii taliska ahaa
Hadalkaas wuxuu hurdo iyo harsiba u diiday rajiimkii markaas xukunka hayay ee Maxamed Siyaad Barre iyo kooxdii been masheegayaasha ahaa ee ka ag dhawaa iyaagoo dareemay in la gaaray waqtigii gabagabada xukunkoodii dheeraa. Waxay ku noqotay mashaqo iyo murugo soo foodsaartay kacaankii curtay 21 oktober 1969.
Halkaas ha inoo joogto qeybtii koowaad
La soco part-2 next week.
W/Q Hussein Dafle