Tababarayaasha horyaalka Ligue 1 ee dalka France ayaa lasoo ururiyay aragtiyaha ay ka qabaan xiddiga u qalma inuu sanadkan 2021 ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee uu bixiyo wargeyska French-ka ah ee France Football.

Xiddigaas ay tababarayaasha horyaalkaasi caleemo saarteen ayaa ah weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo kamida xiddigaha ugu cad-cad hanashada abaalmarintaasi ee sanadkan.

Real Madrid's media campaign to win the Ballon d'Or for Benzema

Abaalmarinta ayuusan ku guuleysan wali ciyaaryahan French ahi tan iyo sanadkii 1998 markii uu hantay Zinadine Zidane, macalimiinta Ligue 1 ayaa qaba inay tahay wakhtigii Benzema la siin lahaa 29-ka bisha dambe ee November.

Tababaraha Nice ee Christopher Galtier “Anigu ma garanayo haddii uu isagu (Benzema) yahay midka ugu cad-cad balse waxaan rajaynayaa inuu isaga noqon doono (Midka ku guuleysta)”.

Tababaraha Nantes ee Antoine Kombouare “Haa dabcan (Wuu u qalmaa) marka loo eego waxa uu u qabto Real Madrid iyo xulka France, anigu 100% isagaan doonayaa inuu ku guuleysto”.

Tababaraha Angers ee Gerald Baticle “Isagu waxa uu u qalmaa Ballon d’Or, waxa jira kuwo badan oo sheegan kara inay u qalmaan balse anigu ma niyad jabi doono haddii Benzema ku guuleysto”.

Tababaraha Rennes ee Bruno Genesio “Anigu waxaan filayaa in isagu u qalmo markaad eegto xilli ciyaareedka uu soo qaatay iyo waxkasta oo uu hadda samaynayo, waa qof aan ilaa yaraantiisii garanayo, mudo dheer ayaan la socday horumarkiisa”.

Tababaraha Lille ee Jocelyn Gournvennec “Waxa uu ka sameeyay Nations League waa heerka Ballon d’Or, waxa uu garanayaa sida waxkasta loo sameeyo waxkastana si wanaagsan ayuu u sameeyaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here