Waaxda Jinsiga ee Booliska ATMIS oo kaashanaya Lataliyaha Jinsiga ee Booliska UNSOM, kooxda xuquuqda Aadanaha ee QM & Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kuqabtay tababar hal maalin ah oo loo qabtay Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Tababarku wuxuu diiradda saarayaa mawduuca “carruurta iyo Colaaddaha hubeysan.”

Advertisement

Waa qayb ka mid ah dadaallada muddada dheer ee lagu qalabeeynayo saraakiisha booliska Soomaaliyeed  iyadoo la siinayo aqoon ku saabsan ilaalinta carruurta xiliyada isku dhacyada hubeysan iyo ka hortaga askaraynta carruurta ee kooxaha argagixisada ah, iyadoo la dejinayo qorshe hawleed ah ilaalinta carruurta, baarista, iyo maxkamadeynta kuwa gala dembiyada ka dhanka ah carruurta ku nool meelaha colaadduhu ka jiraan.

XIGASHO ATMIS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here