Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in taliska hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya in ay shaaciyaen in la dilay labo sargaal oo Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca qaraxyada iyo miinooyinka.

Sidoo kale  warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)  oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose lagu dilay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Bariire.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir iyo lix dagaalyahan oo kale geeriyoodeen kadib markii miino ay kasoo qaadeen Tooro-toorow kula qaraxday  Basra taariikhdu marka aheyd 28-03-2021

Sikastaba ha ahaate Warkan kasoo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho kusoo bateen qaraxyada Al Shabaab geestaan, mana jiro war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan geerida saraakiishan la sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here