Axmed Sheekh Nuur wuxuu maalintii sabtida ahayd ee billowga isbuuca go’aansaday in uu gabadhiisa lix jirka ah ee Yusra geeyo isbitaal caruurta oo ku yaalla Degmada Yaqshiid ee Magaalada Moqdishu.

Markay sii marayaan Degmada Howlwadag, gaar ahaan meel u dhow isgoyska ayaa waxaa dusha ka maray gaari gaashaaman oo la sheegay in ay la socodeen kulanyo wadday Taliyaha ciidnka Soomaaliyeed.

Ahmed Sheekh ayaa dhinaca laamiga ku dhacday halkaas oo la sheegay in ugu yaraan seddex gaari oo kulanyada kamid ah ahaa sii dul martay.

Xog waraysi lala sameeyay booliskii taagnaa halka uu shilku ka dhacay iyo xuuraansi ay sameeyeen ehelida dhibaatadu soo gaartay waxaa lagu sheegay in kulanyada shilka gaystay uu la socday taliyaha Ciidanka Odwaa Yuusuf Raage.

Fardowsa Cabdullahi oo ah xaaskii uu ka dhintay Ahmed Sheekh Cali, Yusrana isbitaalka kaga jirto iyo Cabdirxmaan Cali Axmed oo oo ah wiilka Bajaajka waday oo asaga oo dhaawac ah yaala Isbitaal Kalkalkaal waxay codsanyaan in ay caddaalad helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here