Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa si rasmi ah xilka ulawareegay kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Booliiska ee Caasimadda Garoowe.

S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xilka la wareegay, waxaana uu noqonayaa taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo xilka kaal wareegay Talihii hore ee Ciidanka.

Munaasab si weyn loo soo agasimay ayna qayb ka ahaayen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa qayb ka ahaa munaasabadda Xil wareejinta.

Waxaana xilka horay u hayay Gen. Cabdi Yare Xasan Xuseen, kaasi oo Taliyaha Cusub Xilka ku wareejiyay, maaddaama lasoo magacabaay.

Talihii hore ayaa bogaadiyay Taliyaha Cusub, isagoo u rajeeyay in Xilka uu qabtay S/Guuto Maxamed Cali Xaashi uu Alle u fududeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here