Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo uu wehlinayey Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Sarreeyo Guuto Cabaas Amiin Cali ayaa kulan la yeeshay Hogaanadda Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga.

Kulanka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo ku xigeenkiisa ayaa daarnaa isbarasho iyo kala war qaadasho, maadaama maalnimadii shalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow uu la wareegay xilka.

Advertisement

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa 24 June 2023-ka xilka kala wareegay Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo xilkaan hayay tan iyo sanadkii 2019.

May be an image of 6 people

Munaasabad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayay xilalka iyo dukumiintiyada ciidanka ku kala wareegeen Taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Odowaa Yuusuf Raage.

June 19, 2023-ka Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here