Taliyaha Hay’ada Socdaalka iyo Taliyaha Booliiska Galmudug oo  Kormeer ku tagay Saldhigga Booliiska Dhuusamareeb Sawiro

0

 

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Taliyaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi) oo maalmihii la soo dhaafay,  Safar shaqo ku joogay halkaas  uu Booqasho ku Tagay Saldhiga magaalada Dhuusamareeb, Waxaana  Taliye Koofi Safarkiisa ku Wehliyay  Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geed.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi) ay  Kormeer ku tageen  Saldhigga Booliiska Dhusamareb oo uu ka socanayo Dhismaha Xafiisyada Saldhigga.

Sidoo kale G/sare Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi)   ayaa Bogaadiyey Howshan, waxa uuna amaan u jeediyay dadkii isku howlay howshaas, oo uu hormuud u yahay  Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi, oo barnaamijkaan ku bilaabay isxilqaan,  waxa uuna Howl wadeenada kula Dardaarmay inay ka Mira-dhaliyaan Shadan.

Taliyaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi) ayaa maalnihii la soo dhaafay Howlo shaqo u joogay halkaas, waxa uuna Taliyaha kormeero kala duwan ku sameeyay Halkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

 

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here