Taliyahii Ciidanka Danab oo Xilka laga qaaday masuul kalana loo magacaabay

0

G/le Ismaaciil  Cabdimalik Maalin Taliyihii ciidanka  Kumandooska Danab ayaa xilka laga qaaday, xili dhowaan shaqo joojin lagu sameeyey isagoo xabsi guri ku ahaa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho

Ismaaciil  Cabdimalik Maalin ayey dhawaanahan ay soo baxayeen Warar sheegayay inuu u xirnaa arrimo Siyaasadeed, iyadoo shaqo ka joojintiisa ay ka dambeysay Madaxtooyada Somalia maadaama uu xiriir dhow la lahaa RW hore Xasan Cali Khayre oo ay isku heyb yihiin.

Mareykanka ayaa horey walaac uga muujiyay shaqo joojinta Taliyihii Danab G/lle Ismaaciil  Cabdimalik Maalin, isagoo ka digay in Musuqmaasuq iyo qaraabo kiil lagu sameeyo arrimaha ciidanka ay dib u dhac ku keeneyso horumarka dib u habeynta Ciidamada.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa waxaa loo magacaabay G/lle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo horey u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Danab.

Villa Somalia ayaa ku fashilantay dedaal ay ku dooneysay in Taliyaha ciidanka Danab loo magacaabo Saciid Kampala oo horay u ahaa madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo la ah ka dib markii Mareykanku diiday, maadaama ciidanka DANAB ay yihiin Ciidan uu tababaray, isla markaana mushaharkooda iyo qalabkooda uu bixiyo Mareykanka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here