MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Booliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub Ahmed Firin ayaa maanta ka hadlay sida ay ka yeelayaan dadkii badnaa ee ay maalmihii ugu dambeysay xabsiga soo dhigeen.

Taliye Sulub wuxuu si gaara uga hadlay sida ay ula dhaqmayaan dhalinyaro iyo dad waa weynba kuwaasoo loo soo xirey hadalo ay baraha bulshada ka sheegeen.

Advertisement

Dadka xiran waxaa ka mida kuwa caanka ah aalada Tiktoka sida gabdhaha kuwaasoo qaab qabyaaladeysan inta u kala safteen ku dhaqaaqeen kicin bulsho iyo abuuris jawi dagaal xili ay isku balansadeen qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

“waxaa maalmihii ugu danbeysay baraha bulshada ku soo batay dhalinyaro u isticmaaleysa si aan ahayn sidii saxda ahayd”ayuu yiri Taliye Sulub

Taliyaha wuxuu tilmaamay inay laba u kala qeybin doonaan islamarkaana kuwo la weydiin doono inay cadeeyaan wixii ay sheegeen oo ay ku eedeysan yihiin halka kii aflagaado ay gaystana darteed la hor geyn doono sharciga.

“Qofkasta Baraha Bulshada Isticmaala Waxaan Weydiin Doonaa Inuu Cadeeyo wixii uu sheegey hadii uu qof caayana Sharciga ayaan Hor Geyn Doonnaa “ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed .

Dhanka kale Taliyaha wuxuu cadeeyay in dhalinyaradaasi aaney ciidamo jir dili doonin sidoo kalana dhibaata kalana aan loo geysan doonin.

“Booliisku wuxuu ka shaqeeyaa amniga, Daganaanmshaha, cadaalada, wuxuu ka shaqeeyaa in muwaadin kasta dalka ku heysto xoriyad,ku joogo sumcad iyo wanaag,waxaan ilaalinaa in bulshada kala kulmin wax xad-gudub ah,inagoo taas ilaalineyna,oo dalkuna leeyahay dastuur  laakiin wixii ka baxsan intaas muwaadinku nidaamka u ogolyahay kii sameeya xaq waxaan leenahay inaan soo qanano lala xisaabtamo”ayuu yiri Taliyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here