MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa Saaka inay ku dhawaaqdo xukunka eedeysanayaal badan oo loo heysto inay musuq-maasuqeen hantida Dowlada.

Masuuliyiinta in la xukumo saaka la sugayo waxaa ka mida agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dr Koofi iyo Muxudiin Saabeey oo ah Agaasimihii Canshuuraha bariga.

Advertisement

Labadaan masuul oo ugu caansan 12 eedeysane oo xukunkooda goor dhaw lagu dhawaaqayo ayaa ka maqan Dalka tan iyo markii xilka laga qaaday iyagoona  baxsaday markii dacwada lagu soo oogay.

Lama oga in danbi lagu helay iyo in lagu waayay,waxaase macquula hadii lagu helo inay muteystaan ganaax lacageed iyo Xabsi.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here