Xili bilihii la soo dhaafay isticmalka Baraha bulshada  uu ku soo badanayay Soomaaliya gaar ahaan Tiktok-ga  oo six un loo isticmaalaayay ayaa waxaa arintaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Jeneraal Xijaar ayaa go’aan cad ka soo saaray Muuqaalada dhaqan xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga.

Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here