Turkiga ayaa ballaariyey iibinta Diyaaradihiisa dagaalka ee Daroonada , isagoo hada iibinaya dalalka Morocco iyo Ethiopia, iyadoo ay arrintani ay sii xumayn karto xiriirka awalba aan wanaagsanayn ee Turkiga iyo Masar, maadaama ay Masar iyo Ethiopia isku hayaan biyo xireenka Niilka Buluugga ah.

Diyaarad kasta oo aan duuliye lahayn oo uu Turkigu Itoobiya siiyo waxay keenaysaa in ay sii huriso khilaafkii u dhexeeyay Turkiga iyo Masar Sida ay sheegayaan dadka Falanqeeya Siyaasada Gobolku.

Ilo dhinaca amaanka ah ayaa wakaalada Reuters u sheegay in Dawladda Masar ay Maraykanka iyo Midowga Yurub ka codsatay inay gacan ka siiyaan sidii loo hakin lahaa heshiiskan Turkigu Diyaaradaha kaga iibinayo Dawladda Ethiopia,iyadoo masar ay ka baqayso daroonnada Turkiga oo tayadoodu lagu arkay dagaalladii Suuriya, Ciraaq, Libya, Azerbaijan .

Saraakiil sare oo masaari ah oo magacooda qariyey ayaa Reuters u sheegay in heshiiskan lagu soo qaadi doono kulan heer sare ah oo lagu wado inuu dhexmaro Masar iyo Turkiga oo bilihii dambe wadey qorshe lagu wanaajinayo xiriirka xumaaday ee labada dal.

lknse Diplumaasiyiin Turki ah ayaa sheegay in Turkigu marnaba aanuu u Dhaqmayn sida Maraykanka u dhaqmo marka uu Diyaarado ka iibinayo dalal kale oo uu shuruudo ku xiro ,iyagoo sheegay in turkigu aanuu yeelin doonin Dawladd hebla waxba haka iibin.

Milatariga Itoobiya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha kama ay jawaabin inay Turkiga u direen codsiyo ay ku doonayaan inay ku iibsadaan daroonka Bayraktar TB2, Lknse waxaa iska cad in Itoobiya doonaysa inay hesho daroonada Bayraktar TB2

Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Itoobiya iyo Marooko ay labaduba codsadeen in laga iibiyo diyaaradaha Bayraktar TB2 ,iyadoo heshiisyada ay ku jiraan tababaro la xiriira Diyaaradahan .

Diblumaasi codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in Morocco ay soo gaareen dufcadii ugu horeysay ee diyaarado hubaysan ee turkiga oo ay dalbatay bishii May.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Marooko ayaa baahiyay imaanshaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan oo ka yimid dalka Turkiga.

Hubka dhanka cirka ee uu Turkigu iibiyey rubaca 1-aad ee sanadkan oo keliya ayaa kor u dhaafay $2.1 bilyan oo doollar, taasoo ka dhigan sare kac gaaraya 39%, isagoo sanadkii hore xilligan oo kale ahaa $1.5 bilyan oo doollar, sida ay sheegtay Hay’adda Dhoofka Turkigu.

Ukraine iyo Poland oo ka tirsan Nato ayaa sidoo kale dalbaday diyaaradaha daroonka ee Turkiga , waxayna khubarada milatarigu ay sheegeen in daroonada Bayraktar TB2 ay ka raqiisan yihiin kuwa suuqa kula Tartama ee lagu sameeyo dalalka Israel, Shiinaha iyo Maraykanka

Cabdirasaaq Juuba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here