Ugu yaraantii Sadex kamid ah Ciidamada Dalka Turkiga ayaa lagu diley gudaha Wadanka Ciraaq sida sheegeyaan warbaahinta Turkiga Maanta oo Khamiis ah.

Dhinaca Kale wasaarada difaaca Wadanka Turkiga ayaa ku warantey in Sadex kamid ah Ciidamadoodu ay dhinteen kadib hawlgal ka dhacay woqooyiga wadanka Ciraaq.

Geerida Askartaani ayaa timid kadib markii kooxda Kurdiyiinta( PKK) iyo Ciidamada Turkiga ay isku farasaareen Gobalka Dohuk oo kuyaala Wadanka Ciraaq, awooda Turkiga ayaa ah Tan ugu Itaalka badan ee Gobalka.

Militeriga Dowladda Turkiga ayaa weerar adag Ku haaya Kooxaxa PKK iyo YGP kuwaas oo dhamaantood Xukuumadda Turkiga ay u aragto in ay yihiin Argagixiso ka dhan ah Guud ahaan Amniga Turkiga.

Inta badan Xuduuda Turkigu uu la wadaago Wadamada Ciraaq iyo Suuriya ayey Xoogaga Ankara kula dagaalameyaan Kooxaxaan, inkastoo Militeriga Turkiga ay gacanta ku hayaan inta badan Gobalada kuyaala Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee dhaca Soohdinta Turkiga.

Isha Al Jazeera W/T C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here