Turkiga ayaa ah wadan si wayn ugusoo gurmaday somaliya xili ay u baahnayd gurmad dhinacyo badan , turkiga ayaa si ka duwan dunida inteeda kale ugu hagar baxay somaliya, taasina waxay keentay guud ahaan shacabka soomaaliyeed kalsooni iyo qadarin u muujiyaan walaalaha turkiga,

Taageerada turkiga siiyo soomaaliya waxaa ka xumaaday wadamo ay koow ka tahay Emaaraatka, kuwaasoo marar badan isku dayay in ay fashiliyaan howlaha turkiga ka hayo soomaaliya, Dowladdii uu hogaaminayay Xassan Sheeq Maxamuud , Ayaa Xakamayn waysay loolanka u dhaxeeya Turkiga & Emaaratka, Waxayna isku dayday in ay labadoodaba raali galiso, taasoo ahayd arrin adag laguna guuldaraystay.

Turkiga ayaa dhowr jeer hakiyay tababarka ciidanka xoogga dalka intuu talada hayay Madaxwaynihii hore xassan sheeq maxamuud, kadib markii ay dowladda soomaaliya u ogolaatay Emaaraatka in ay soomaaaiya ka qabato howlo ku aadan tababarka ciidanka, Taasoo hadafka kaliya ee Emaaraatku ka lahaay tahay Fashilinta Howlaha Turkigu ku gar gaarayo Ciidanka soomaaliya,

Turkiga oo ah wadan ay dhab ka tahay wax uqabashada soomaaliya sida ka muuqata saan qaadkiisa hagar la’aaneed ayaa helay Jaanis uu si buuxda u gacan qaban karo ciidanka soomaaliya kadib dhalashadii Kacaankii 2017 ee Nabad & Nolol, Waxa uuna bilaabay taageero xowli ah oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, taasoo keentay in ciidanka soomaaliya helo tayo aad uga wanaagsan intii hore, Waxaana yaraaday is bar bar yaaca ciidanka faraha badan, waxaana la helay ciidan nidaamsan oo tayaysan oo leh saldhigyo tiro kooban, Afartii sano ee dhamaatayna turkigu waxa uu haystay kalsooni uu kusoo saari karo ciidan tayaysan oo soomaaliyeed, waxaana meesha ka baxday Awooddii kula loolamaysay Soomaaliya ee Emaaraatka,

hada oo la galay xaalad doorasho, waxaa jirta cabsi laga qabo in soomaaliya mar labaad ay ku dhax loolamaan quwado shisheeye oo kala hadaf duwan, Turkiga iyo Qadar waxay xoogga saarayaan sidii ay siyaasadda soomaaliya uga ilaalin lahaayeen in ay xiriir la yeelato Emaaraatka, Waxayna raadinayaan Tab kasta iyo xeelad kasta oo ay u mari karaan, hadii ay ahaan lahayd in ay ka shaqeeyaan sii joogista Madaxwayne Farmaajo iyo hadii ay heli karaan qof ka ag dhaw siyaasadda madaxwayne farmaajo.

Dhanka kale Emaaraatka ayaa raadinaysa fursad ay mar labaad ugu lug yeelato siyaasadda soomaaliya oo ay dibbad joog ka ahayd 4tii sano ee lasoo dhaafay,

haddii ay guulaysato siyaaaadda Emaaraatka waxaa dhici karta in kaalinta Turkiga meesha ka baxdo ama ay ku timaado Habacsanaan, taasoo ka dhigan in.soomaliya waysay Gacan walaal dhab ah, Annigu waxaan kamid ahay dadka taageersan isbadal in uu dhaco, hadana tani waa faaqidaada xaqiiqda dhabta ah ee aan indhaha laga qarsan karin.

Aqriste hadaad tahay nin la socday xaaladaha is badalka siyaasadeed ee dalka maxay kula tahay ? Sidee lagu heli karaa siyaasi la yimaada siyaasad dhisi karta dalka xalna unoqon karta in soomaaliya ka bad baado Herdanka u dhaxeeya Turki & Qadar oo dhinac ah iyo Emaaratka Iyo xulafadeeda oo dhinaca kale ah.? Aeagtidaada waa muhiim balse ku saleey Cabir Saxan oo ku dhisan Aragti caafimaad qabta.

Qorre: ibrahim xassan cawaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here