Guruub C. 10 Kabtan Messi iyo Xulkiisa Argentina ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka 2022 ayaa 2-0 isaga reebay Xulka Bartamaha Mareykanka ka dhisan ee Mexico .

2 Gool oo yimid qeybtii danbe ee ciyaarta uuna kii 1 qalinka ku duugay kabtanka Xulka Argentina 10 Messi ayey Argentina kula hoyatay 3 dhibcood ee guusha waxaana Argentina Soo gashay rajo weyn oo ay ku doonayaan inay ugu Soo baxaan wareega 16 Koobka Aduunka iyagoo weliba culeys adag saari doona meertada 3 ee Guruubka C oo ay la ciyaari doonaan Xulka Poland oo Guruubka C ku hogaaminaya 4 dhibcood halka Argentina oo ku xigta ay ka leeyihiin 3 dhibcood ; sacuudigana 3 dhibcood waxaana Guruubka C ugu hooseeya Xulka Mexico oo leh 1 dhibic..

Taageerayaasha Xulka Argentina ayaa guusha xulkooda ka dib isagu.soo baxay Magaalooyinka waaweyn ee.dalkaasi oo ay ugu horeysay caasimada Argentina buonas Aires.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here