Garowe (dayniiile.com)-Xaalada Siyaasadeed ee Magaalada Garowe ayaa Saaka degan xili la baajiyay shirkii Baarlamaanka ee mucaaradku ku hanjabeen hadii la qabto wixii ka yimaada uu masuuliyada qaadi doono Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani.

Wararka laga helaayo Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya inay socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan odey dhaqameedyada iyo waxgaradka kuwaasoo hab beeleed isugu dayaya inay u xaliyaan muranka siyaasadeed ee ka dhashay habka doorashooyinka Madaxtinimo ee Puntland.

Advertisement

Sidoo kale Oday dhaqameedyo kasoo jeeda Gobolada SSC Qaatumo ayaa la hadal hayaa inay saaka ku soo wajahn yihiin Magaalada Garowe si ay gacan uga geystaan xalinta xiisada siyaasadeed ee qarka u saaran inuu dagaal dhaco mar kale , madaama bilo ka hor Garowe la isku fara saaray.

Doorashada Puntland oo waligeedba ku asteysneyd 8-da Janaayo mar kasta oo muda xileedka Madaxweynaha uu dhamaado ayaa hada waxaa la isku hayaa habka doorashada oo uu doonayo inuu wax ka badalo Madaxweyne Saciid Dani iyo Mucaaradka oo ku doodaya in waqtigaan aan laga gaarin qorshaha Dani ee ah in doorasho dadweyne laga qabto,waxayyna dalbanayaan in sidii hore baarlamaanku doorto madaxweynaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here