Waaxda Amniga Mareykanka oo sheegtay in Somaliya lagu Celin doono 39 qof  oo dambiyo kala duwan ku eedeysan..

0

Xili maalmihii la soo dhaafay ka hadal hayay in ku dhawaad 100 Somali ah laga soo Celin doono Dalka Maraykanka, ayaa waxa arintaas ka hadlay Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka

 

 Arintaan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii Xildhibaanad Ilhaan Cumar ay  warqad u dirtay waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka taasoo ku saabsan Soomaalida laga soo musafurinaayo dalkaas, balse durba jawaab ayey heshay.

Ilhaan Cumar waxey muujineysay walaaca ay ka qabto dadka Soomaaliyeed ee dalkaas laga soo musaafurinaayo, balse waaxda amniga gudaha waxey sheegeen in 39 Soomaali ah oo dambiyo kala duwan ku eedeysan loo soo celin doono wadankooda.

Dadka lasoo musaafurinaayo waxaa la sheegay iney ku eedeysan yahiin qaarkood dambiyo la xiriira argagixisinimo, dil, kufsi, gacan ka hadal, xad gudub jinsi, ka ganacsiga daroogada iyo dembiyo ka dhan ah caruurta.

Sidoo kale Waaxda amniga waxey sheegtay in dadkaan lasoo musaafurinaayo ay dhibaato weyn ku ahaayeen shacabka dalka Mareykanka iyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here