Waaxda Canshuuraha degmada Howl wadaag oo shacabka degmadaasi Cabasho xoogan ka keeneen

 

Degmada Howl wadaag oo ah degmada ugu dhaqaalaha badan gobolka Banadir ee Dowlada Federaalka ka soo gasho Canshuur badan oo walina shacbkeeda waxba loogu qaban ayaa hadana muuqataa in ay dhib xoogan ku qabaan Waaxda Canshuuraha degmadaasi

Dad badan qyaa cabasho xoogan ka keenay waaxda Canshuuraha degmadaasi ka dib markii shacabkaas lacagta Canshuutta ka soo bixiyeen Gobolka Banaadir Xaruntiisa kuwaa oo markii ay bilaabeen dhisamaha guryahooda ayaa ciidamo hubeysan oo ka socda waaxda Canshuuraha degmada ay goobta yimadaan kadibna handado dadka bixiyey lagu sameeyeyka kadibna kula dhaqaaqo jab jabin dhisamayaasha iyo handadaaad ,markii la tuso in Canshuurtii in ay Gobolka laga soo bixiyey ay ku sheegaan mid been abuur ah oo aysan aqoonsaneen taa oo la yaab ku noqotay shacabkii lacagta soo bixiyey

Waxaase Canjiib shacab guryahoodii Qarax ku bur buray hadana waaxda Canshuuraha Degmada r ay weydiisato lacag qasab ah oo boona laheyn oo lagu leeyahay ku tuur lanbarkaan

Mid kamid ah dadkii maanta laga hor istaagay shaqada dhismaha ayaa Dayniile.com u sheegay in Waaxda Canshuuraha Degmada Howl wadaag soo xasuusiyeen xiligii hogaamiye kooxeedyada dadka guraya dhisanaayo lacag baad ah ka qaadi jiray waxuuna maamulka degmada ugu baaqeen in ay soo faragaliyaan arintaa foosha xun ay ku dhaqaaqayaan Waaxda Canshuuraha degmada

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064