Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada iyo dadka kale ee cunsiriyiinta ah, kadib markii Faransiiska ka dhaceen weeraro lagu dilay muwaadiniin dalkaasi u dhashay.

Ciidamada amaanka ee dalka Faransiiska ayaa dhawaan xir xiray dad badan oo muslmiin ah oo lagu eedeeyay in ay taageereen falal argagaxiso iyo sidoo kale kuwa loo xiray tuhuno kadib dilkii loo geestay Macalin Faransiis ah oo ku xadgudbay diinta Islaamka.

Dadka ay xireen Booliiska Faransiiska waxaa ku jiray Idriss Sihamedi oo kamid ah hogaamiyaasha muslimiinta ugu caansan ee kunool dalka Faransiiska, wadaadkan ayaana markii dambe xabsiga laga soo daayay iyadoona la xiray Hay’ad uu madax ka ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay hay’adda BarakaCity uu gudoomiye ka ahaa Idriss Sihamedi, waxa uuna sheegay in go’aankaasi lagu gaaray shir golaha Wasiirada yeesheen.

Idriss Sihamedi, ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday Madaxweynaha dalka Turkiga Rajebv Dayib Erdogan in magan galyo siiyaan isaga iyo xubnaha kale ee kamidka ahaa Hay’adiisa BarakaCity.

” Waxaa jeclaan lahaa in aniga iyo shaqaalahayga(BarakaCity) inaan magangalyo weydiisano Turkiga maxaa yeelay ma dareemaya inaan ku badqabno gudaha Faransiiska”, ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka isagoo adeegsanaya luuqadda Turkiga.” ayuu yiri Idriss.

Codsigan kasoo baxay Hogaamiyahan katirsanaa Mislimiinta Faransiiskla ayaa kusoo aadaya xili uu meel xun gaaray xiriirka u dhaxeeya  Faransiiska iyo Turkiga, kadib markii Dowlada Faransiiska ku xadgudubtay Diinta Islaamka una geftay Nabi Maxamed NNKH.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here