Wadooyiinkii xirnaa qaar magaalada Muqdisho oo dhagaxyadii laga qaaday

0
Waxaa xalay dadka magaalada Muqdisho mar qura indhaha saareen iyada oo la qaadayo qaar kamid ah dhagxaanta shubka ah ee lagu xiray wadooyin badan oo kuyaala xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dhagxaantan wadooyinka lagu xiray sanado kahor ayaa dhibaato badan waxaa ku qabay shacabka magaalada Muqdisho, waxa ayna abuureen saxmad iyo cariiri badan wadooyinka yar ee horey u furnaa.

Wadooyinka dhagxaantan shubka laga qaaday ayaa waxaa ku jira kuwa saaran laamiga Wadnaha sida Tarabuunka ,Isgooska Sheekh Cali Suufi iyo kuwa kale oo maristooda muhiim u ahaayeen gaadiidka.

Waxaa sidoo kale dhagxaanta shubka ah laga qaaday wadooyin kuyaala degmada Wadajir gaar ahaan xaafadaha ku teedsan Buulo Xuubey ilaa isgooska Danwadaagaha , waxaana la arkayay gaadiidka waa weyn oo dhagxaanta looga qaadayay wadooyinka xirnaa.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaan saakay markii ay soo tooseen qaarkood arkeen wadooyinkii dhagxaanta lagu xiray oo dib loo furay ayna marayaan gaadiidka, lamana oga waxa soo dedejiyay talaaban mana jirto ilaa hada wax war ah oo dowlada kasoo saartay.

   

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here