Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho saakay  ayaa sheegaya in Jidadka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho intooda badan ay xiranyihiin.

Ciidamada ayaa gaadiidka shacabka noocyadiisa kala duwan ka joojiyey jidadka inkastoo ay tahay maalin Jimce ah oo dhaqdhaqaaqu dadku kooban yahay.

Dadka ayaa intooda badan cagahooda maalaya maadaama aysan jirin gaadiidkii BL-ka iyo kuwii bajaajta ee magaalada u kala gooshi jiray.

Sdoo kale arintaan ayaa loo malaynayaa in ay salka ku hayso maadaama saakay magaalada Muqdisho Maydkiisa goor dhawayd la geeyay  Maydka Madaxweynihii hore ee Somaliya Cali Mahdi oo aas Qaran lo samaynayo saakay oo ku geeriyooday dalka Kenya habeen hore.

Guddigii qabanqaabada aaska ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay shaaciyay in maanta oo Jimce ah Meydka marxuumka  laga soo dajin doona Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here