Wafdi ka socda DDS oo soo gaaray gobolka Bakool kulamana ka bilaabay.Wafdi ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya o ka kooban Heer Gobol iyo Heer degaan oo maalmahaan socdaal ku marayay Xaduudka uu Goolka Afheer la wadaago Soomaaliya ayaa soo gaaray degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada Yeed kusoo dhaweeyay Maamulka degmada & Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale.Wafdiga ka socday dowlad degaanka Soomaalida oo u jeedka safarkooda uu yahay adkeynta qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Yeed, iyaga oo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida Amniga.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Wafdiga inay booqasho ku tagaan degaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool, iyaga oo la kulmi doona Mas’uuliyiinta degaannada ay booqdaan iyo Bulshada ku nool.

Wariye Maxamed Rooraye

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here