Kulankii ugu horeeyey Ee Gollaha Shacabka 11) Ee furmay, Waxa Ka Muqatay Deganaan iyo in Xildhibaanadu Kalfadhigan U Busaylsanaayeen.

Fadhigani Wuxuu Xiray Albaabkii rejo Xumada iyo Damacii Shisheeyaha rabay in dowladnimada dhismaysa U Bedelaan dagaal sokeeyo.(1 Bilood oo arrimaha doorashada aan ku soo dhex jiray,

Waxaan hubaa Caqabadihii tirada badnaa Ee ina Soo Maray inaysan ahayn Kuwo iska yimid, laakiin Si ula Kac ah loo Abuurayey.
Doorashada dhacday waxaa xildhibaankii ugu horeyey la doortay 29 July 2021.

Subax aan fogayn macadka daraasadka doorashooyinka iyo dimoqoraadiyadda ee dalka Hindiya oo xiriir ila soo sameeyey wuxuu i weydiiyey “waxa doorashada Soomaaliya u daahday, inta qof ee xaq u leh in ay codayso, inta goobood ee codbixintu ka dhacday iyo su’aalo kale”

waan dareemay in uu ka qiyaas qaadanayo in ka badan 600 oo milyan oo reer Hindiya ah oo codaysa wakhti la yaqaan. Markayse jawaabtaydii noqotay in wax ka badan 27 kun oo qof iyo 11 goob doorasho wakhti sagaal bilood ah aysan weli ku dhamaan,

waxaan sheegayo annay ila tahay la yaab, intaan la gaarin shisheeyaha xogta doonaya, jawaabtuse waa duruufta dhex taal dhowr qof oo is neceb in ay ka sahlantahay maamulista boqolaalka malyan ee is ogol.
Saamaynta qabaa’ilku ku lahaa doorashada waa koobnayd,

maamullo ayaa gacanta ku hayey, meelaha qaar doorashadu waxay abuurtay kala fogaansho iyo khilaafyo cusub, halka meelo kooban ay keentay isu soo dhowansho.
Waxaa doorashada inteeda badan ka sinayd in ay ahayd in madaxda

Maamul Goboleedyadu ay ku aar goosanayeen, in aad xildhibaan noqotana umaad baahnayn in wax qabad aad ka hadasho,

qof firimbi hal mar biiq ka siiyey ayaa ku helay xil! waa rejayn baarlamaanka cusub inuusan Buun yeeriin doonin.Xog badan ayaa ku duugan doorashadii dhacday. Guushu waa in aan haysano hay’ad sharci.

Waxaa laga rabaa baarlamanka cusub in bulshada ay isu soo dhoweeyaan, dhayaan boogaha dhawacoodu qoyan yahay, muujiyaan dulqaad iyo inay horay u wadaan dalka, qabtaanna doorasho furan, lagana fogaado kala fogeynta iyo nacaybka bulshada.

Talada ugu danbaysa waa in aan isugu tagno in mardanbe aan doorasho dadban dib loogu noqon, si xuquuqdii muwaadinka aan gacanta loogu gelin dhowr qof oo dantooda eeganaya.

Mohamed Hassan irro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here