Taliyihi hore Ee NISA Fahad Yaasiin oo dusha uga tuuray geerida Ikraan Tahliil Ra’iisul wasaare Rooble, Agaasime Mahad Salaad iyo Wasiir Al Cadaala.

“Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxey ahayd shaqo doon. Kadib Mahad Salaad ayaa gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay”

“Halkaas ayaana lagu dilay. Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo xiriir dhow leeyihiin Mahad Salaad.

“Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Maskaxdana waxaa lahaa Rooble. Dilkana waxaa geystay Al Shabaab”

“Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”

Fahad Yaasiin oo cadeeyay in Dilka Ikraan ay ka dambeeyaan Rooble, Mahad Salaad iyo Al cadaala. Sidee u aragtaa?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here