Waxaa goordhaw qarax xooggan oo si weyn jugtiisa looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee ku dhaw Isgooska KM-4 .

Qaraxan ayaa sida aan wararka ku helnay ka dhashay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo ku dhagay gaari nuuciisa yahay Hilix oo marayay  agagaraka koontaroolka gaar ahaan kasoo horjeeda Hotelka Afrik.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu  gaaray ciidamo katirsan dowladda iyo sidoo kale haadiidka gurmadka degdega

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here