War Deg deg ah Saadiq Joon oo Xilka laga Qaaday

0

Warar horudhac ah oo ka helay xaafiiska Taliyaha Booliiska iyo Villa Somalia ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Saadaq Joon oo ah taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, awood badanna ku dhex lahaa Ciidanka.

Saadaq Joon waxa uu kamid ahaa saraakiisha ugu dhawaa ee la shaqeynayey Ra’iisul wasaarihii Baarlamaanku eryey ee Xasan Cali Kheyre.

Internet ku intii uu go’naa oo aan la heli karin xogaha waxaa la dalacsiiyey saraakiil booliis ah oo loogu talagalay in booska Saadaq Joon laga riday iyaga midkii la doorto loo magacaabo si shaqadu aysan u galin hakad.

Waxaa sidoo kale la eryey shaqaale badan oo katirsan Xaafiiskii Kheyre banneeyey taasoo muujinaysa in qof kasta oo ka ag-dhawaa Ra’iisul wasaare Kheyre daaqadda laga ridayo.

FG: warqadda xilka qaadista Saadaq joon weli ma aysan soo bixin oo warbaahinta lalama wadaagin, laakiinse xilka qaadistiisa waxaa iixaqiijiyey sida aan ku billaabay qoraalka saraakiil Booliis ah iyo masuuliyiin katirsan Xaafiiska Madaxweynaha.

Xigasho Cali Aadan Muumin

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here