MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xiisad ayaa ka dhex taagan garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho taasoo u dhexeysa Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida iyo Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumada Somalia.

Advertisement

Waxaa gabi ahaanba Dowladu saaka joojisay shaqadij shirkadaha diyaaradaha ee dalalka dibada iyo Gobolada u kala gooshi jirey.

Sida ay noo xaqiiiiyeen shaqaalaha shirkadaha waxaa la isku haystaa lacag dheeraad ah Wasaarada gaadiidku dul dhigtay shirkadaha.

Dhamaan waxaa garoonka saaka ku xaniban dadkii safri lahaa sida Kenya,jabuuti,dubai iyo Gobolada dalka kadib markii loo sheegay dadka safarka ah in dhanka dowlada ay shaqadu ka socon la’dahay.

Wararka kale oo arintaani la xiriira ayaa sheegaya in hada loo fadhiyo sidii loo xalin lahaa inkastoo laba mowqif oo adag lagu kala dhagan yahay kuwaasoo kala ah wasaa5ada gaadiidka oo lacag dheeraada rabta iyo shirkadaha oo diidan.

Dhanka kale waxaa  Saaka si caadi ah u shaqeynaya shirkadaha banaanka laga leryahay sida Turkish Airweys ,Kenya Airweys ,Uganda Airweys iyo kuwa kale,kaliya waxaa xaniban waa shirkadaha Diyaaradaha  Soomaalidu ay maamusho sida Daallo,Freedom iyo kuwa kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirka arimaha gudaha oo shir la qaatay wafdiga India ka socda+Sawirro
Next articlePhiladelphia Eagles middle Jason Kelce has formally retired from the NFL after 13 seasons.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here