Warar Dheeraad oo ka soo baxayo Qaraxii Xooganaa oo ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftiisa soo biimeeyey ayaa lagu weeraray Xerada qeybta 12-ka AbriilĀ  ee Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhow garoonka ciyaaraha Istaadyum Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus oo daryankiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay kaga arkayo uuro madow oo cirka isku shareetay.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in gaariga qarxay lagu dhuftay albaabka hore ee xerada oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dad kale.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay inuu geystay qaraxan, waxaana dadka waxyeeladu soo gaaray ay iskugu jiraan ciidamadii ku sugnaa xerada iyo dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa.

Ugu yaraan Lix ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey iney ku naf waayeen weerarkan halka tiro kale oo intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ilo wareedyo kala duwan ay u xaqiijiyeen Allbanaadir Online, iyadoo khasaaruhu intaas ka badan karo.

Ciidamada amaanka DF ayaa xiray goobtaas, waxaana sidoo kale gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta oo daad gureynaya dadka dhimashada iyo dhaawacyadu ay soo gaareen si ay u gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka.

Afhayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu geystay khasaare nafeed isagoo xusay iney wadaan tirakoobka iyo qiimeynta khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here