Ilo sirdoon iyo xubno la shaqeeya hay’ado reer galbeed ah ayaa waxay sheegeen inay heleen macluumaad ku saabsan inuu geeriyooday Hogaamiyihii Kooxda Al Shabaab Axmed Diiriye (Abu Cubeyda).

Rashiid Cabdi oo katirsan Hay’ada Sahan Reseach ayaa boggiisa Twitter-ka kusoo daabacay xog uu sheegay inay heleen oo ah dhimashada Axmed Diiriye.

Inkastoo warkiisa qoraal ahaan uu ku bilaabay war aan la hubin ayaa sheegaya inuu geeriyooday Axmed Diiriye Abu Cubeyda,islamarkaana ay al shabaab shir deg deg ah leeyihiin.

Cudurka Kansarka ayaa la sheegay inuu udhintay Axmed Diiriye Abu Cubeyda isagoo muddooyinkii lasoo dhaaafay kusugnaa kuna xanuunsanayey degmada Jilib oo 70KM ujirta Kismaayo marka juqraafi ahaan wuqooyiga laga eego.

Al shabaab ayaa golahooda shuurada waxay leeyihiin shir gaar ah iyadoo aysan weli xaqiijin dhimashadiisa Hogaamiyahooda mana jirto war kale oo kasoo baxay dhinaca Dawladda Soomaaliya.

Hadii uu warkaan run noqdo waa ninkii seddexaad ee Amiir unoqda Kooxda Al Shabaab oo geeriyooda isagoo xilka haya,waxaana ka horeeyey Aadan Xaashi Ceyroow & Axmed Godane oo ay labaduba ciidanka mareykanka diyaaradahooda duqeyn ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here