Kooxaha Argagixiso ee xalay fiidnimadii hore galay dhisme hotel oo kudhaw Hoyga deegaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya (VILLA SOMALIA), ayaa wali ka dagaalamaya goobta rasaas ayaana la maqlayaa ay ka ridayaan gudaha hotelka.

Xalay, dhammaan jidadka Madaxtooyada Soomaaliya ee looga gurman lahaa goobtan ayaa la xiray, ciidamada gurmadka ee kooxahan la dagaalamaya ayaan durba tagin goobta, maadaama ay kudhawdahay guriga hoyga Madaxweynaha, taas oo gaabis ka dhigtay in ciidamadu deg deg uga jawaaban weerarkan Argagixiso.

Xogo fara badan ayaa kasoo baxaya weerarkan bahalnimo ee ay soo qaadeen kooxaha argagixiso, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaartay in ka badan 7 kamid ah masuuliyiinta dawladda Faderaalka, gaar ahaana golayaasha baarlamaanka iyo wasiiradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here