Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in duleedka Waqooyi ee Magaaladaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC.

48-dii Saac ee la soo dhaafay xaaladda Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada hoostaga ayaa aheyd mid degan, hayeeshee saaka markale uu dagaalka dib u billaawday.

Advertisement

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, isla markaana ay jiraan khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in mararka qaar Xaafadaha Magaalada Laas-Caanood ay isku soo dhacayaan madaafiic ay soo tuurayaan Ciidamada Somaliland wallow badi dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli ay socotay waan-waan dowladda Itoobiya ka dhex waday SSC iyo Somaliland.