Wararka imaanaya  gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal uu ka socdo duleedka Bari ee magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa waxaa u u dhexeyaa Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa degaanka ee SSC Khaatumo , Waxaana wararku ay sheegaya in Madaafiic ay ku dhacday Magaalada Laascaanood taas oo khasaare bur bur ah sababtay.

Advertisement

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada SSC- khatuumo oo lagu Magacaabo Korneyl Mustafe Cumar kuna  sugan Mgaalada Lascaanood ayaa warbaahinta Risaala u xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday ka dib weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin duleedka Bari  ee Magaalada Laascaanood Waxaana uu sheegay in ay iska caabiyeen Ciidankii Weerarka ku soo qaaday balse ma uusn sheegin khasaare soo gaaray ciidankooda iyo weliba dadka shacabka ee ku  sugan Xaafadaha Madaafiicda ay ku soo dhacday ee Magaalada Laascaanood ka Tirsan.

Xaaladda Laascaanod ayaa  kacsan, waxaana lasoo sheegayaa  inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here