Wararkii ugu dambeeyay ee Caasimadda Galmudug.

0

Magaalada Dhuusamarreeb waxaa kasocda diyaar garoow xooggan oo lagu soo dhoweynayo Madaxda Maamulgobaleedyada Dalka. Ammaanka Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana ciidamo farabadan ladhigay dhammaan jidadka soo gala magaalada. Si gaara waxaa loo adkeeyay ammaanka inta u dhexeysa Eeraboorka iyo Madaxtooyada Galmudug. Ammaanka Caasimadda ayaa waxaa sugaya Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Galmudug. Waxaa magaalada bannaanka looga saaray ciidamada Dowaldda Federaalka ee aan katirsanayn Kuwa Galmudug, si ammaanka wufuuddu uusan isku halleyn ugu bixin. Waxaa lafilayaa in dhowaan ay magaalada soo gaari doonaan Madaxweyne-yaasha Puntnland, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur-galbeed. Magaalada Dhuusamarreeb ayaa berri waxaa kafurmaya shirka madaxda Maamul-gobaleedyada Dalka.

Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya iney suuta-gal tahay in Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre uu shirka kaqeyb geli doono, lkn weli warsugan lagama hayo safarka Raisulwasaaraha.

Wixi kusoo kordha halka kala soco insha Allaah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here