Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta duhurnimadii ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay sheegeen in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay ,kaas oo loo soo qaadey magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas badan, taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacbaka ah.

Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Amisom, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaarta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in qaraxyada ay dooneyso inay ku joojiso dhismaha waddada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064