Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Maxaas

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo qarax oo ismiidaamin ah saakay salaadii subax lagu weeraray guryo degmada Maxaas ka degnaayeen ciidanka beesha Murusade ee duullaanka ku ahaa Ceelbuur iyo Galhareeri.

Qaraxyada labada baabuur loo adeegsaday ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay saraakiisha iyo masuuliyiinta ciidanka beesha Murusade hoggaamineysay ka degnaayeen degmada Maxaas.

In ka badan 15-qof oo u badan askar ayaa ku dhimatay qaraxyadan ismiidaaminta ah ee saakay lagu qaaday degmada Maxaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan ay ku jiraan saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Sida aan wararka ku helnay guryaha qaraxyada lagu weeraray waxaa degnaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminayaya duullaanka la doonayay in lagu xureeyo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo katirsan Galgaduud.

Xildhibaan Jacfar ayaan ku sugneen xilliga weerarku dhacayay degmada Maxaas, waxaana la sheegay in Jacfar hadda magaalada Muqdisho ku sugan yahay , mana jiraan xildhibaano heer federaal ah oo halkaasi joogay xilliga weerarku ka dhacayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here