Kulankii maanta ku dhexmaray Teendhada Afasiyoni M.farmaajo iyo wakiilada Beesha caalamka ayaa umuuqda inuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Kulanka oo ahaa mid ay dalbatay Beesha caalamka ayaa ujeedkiisu ahaa in Farmaajo iyo kooxdiisa loogu baaqo inay dib ugu laabtaan wadahadaladii doorashada, Awooda doorashadana lagu wareejiyo Rw Rooble.

Farmaajo ayaa isku dayay inuu mudo kordhintiisa difaaco isagoo eeda wixii dhacay dusha kasaaray Aqalka hoose ee Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in go’aan Baarlamaan uu yahay mudo kordhinta.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa usheegay Farmaajo in Aqalka hoose uusan gaari karin xiligan uu waqtigiisu dhamaaday go’aano masiiri ah balse waxay u cadeeyeen Mawqifka dalalka ay wakiilada ka yihiin, iyagoo usoo bandhigay iskudaygooda ugu danbeeya haduu diido inuu lakulmi doono Cunaqabatayn iyo in Aqoonsiga dawladeed Soomaaliya lagala noqdo.

Farmaajo ayaa usheegay wakiilada caalamka in fursad lasiiyo si uu arinta uxaliyo, isagoo balan qaaday inuu wadahadalo toos ah lafuri doono Midawga musharixiinta mucaaradka iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Arinkan ayaa umuuqda in Farmaajo uu doonayo inuu ku kala dilo Musharixiinta iyo maamulada Puntland iyo Jubaland, Beesha caalamkana uu isaga mashquuliyo Ciqaabta kaga imaankarta.

Caawa Afurka kadib waxaa balansan Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Musharixiinta iyagoo kawada hadlaya qorshaha cusub uuwato farmaajo ee ah inuu la heshiiyo mucaaradka si ay usoo magacawdaan Rw Cusub, iyagana dhankooda taageeraan mudo kordhinta.

Warar xog ogaal ah ayaa iisheegay inay musharixiinta diideen kulanka Farmaajo ayna ugu baaqeen inuu ku laabto wadahadaladii Teendhada.

Kaartada cusub ee farmaajo uu doonayo inuu ku baxsado ayaa durba umuuqata mid Fashilantay.

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here